X
    Categories: Warar

Laba Doonyood Oo Siday Tahriibayaal Gaadhaya 500 Qof Oo Ku Haligmay Badda Liibiya

Zuwara, west of Tripoli(ANN) Laba Doonyood oo ay saarnaayeen ugu yaraan muhaajiriin gaadhay 500, ayaa ku haligmay Xeebta Biyaha Libiya magaalada Zuwara oo dhinaca galbeed ka xigta caasimada Libiya ee Tripoli.
Sida ay dadka deegaanku u xaqiijiyeen Weriyaha BBC-da Rana Jawad oo Woqootiga Afrika uga soo waranta BBC-da. Waxay labadaa Doonyood mid siday dad gaadhaya 45 qof, halka Doonta kale ay siday 450 qof.
Dadkaa oo ka mid ahaa muhaajiriinta ku qul-qulaya dhinaca dalalka Yurub, waxa 100 ka mid ah maydadka la helay loo soo qaaday Cusbitaalka Zuwara, iyadoo baadidoon loogu jiro mayaydadka boqolaal aan lahayn raq iyo Ruux.

Maydadka la helay, ayaa qaarkood la aqoonsaday wadamada ay ka yimaadeen, kuwaas oo u dhashay dalalka Syria, Bangladesh iyo wadamada saharaha ka hooseeya, balse weli war sax ah lagama hayo boqoolalka qof ee geeri iyo nolol aan lahayn dalalka ay u dhasheen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post