X
    Categories: Warar

Labadii Madaxweyne Ee Ugu Danbeeyay Maraykaanka Barack Obama iyo George W Bush Oo Ka Hadlay Xaalada Maraykanka

Araweelo News Network

US President Donald Trump (L) and former president Barack Obama talk on the steps of the US Capitol after inauguration ceremonies, Washington, January 20, 2017. (Photo by AFP)

Washington(ANN)-Labadii Madaxweyne ee u danbeeyay Maraykanka Barack Obama iyo George W Bush,  ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka Maraykanka, arrintaas oo loo arko dhaliil maldahan oo ka dhan ah hogaaminta madaxweyne Donald Trump.

Obama ayaa ku baaqay in dadka Maraykanku ay diidan siyaasadda “kala qaybinta” iyo “cabsida” Bush-na wuxuu soo bandhigay eedaymo  ah in nolosha dadka lagu hayo “xoogsheegasho iyo yasid”

Labada Madaxweyne, ayaa meelo kala duwan ka jeediyay dhawaaqyadaa ay ku dhaleecaynayaan siyaasada cusub ee hoggaanka Maraykanka, balse midkoodna ma soo hadal qaadin magaca madaxweyne Trump.

Dhinaca kale Madaxweyne Trump oo aad u naqdiyi jirtay madaxweynihii uu xukunka kala wareegay  ayaan wali arrintan ka hadlin.

Madaxweyneyaashii hore ayaa caadiyan ka xishooyin jiray in ay meel fagaare ah wax kaga sheegaan madaxda bedesha, waxaana jirtay Obama markii uu xafiiska ka tegayay inuu sheegay in ixtiraamkaas  sii wadi doona inta uu Trump xilka hayo sidii uu sameeyay George W Bush oo isaga ka sii horreeyay

Laakiin aamusnaanta ayuu joojiyay tan iyo markii ay soo baxday dadaallada uu Trump ku doonayo in uu ku nasakho oo ku badalo daryeelka caafimaadka ee Obamacare iyo waliba mamnuucitaankii “Muslimiinta” ee muranka badan dhaliyay iyo iskaga bixiddii heshiiskii cimilada ee Paris.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post