X
    Categories: Warar

‘Ma Jirto Cid Bani’aadam ah oo i Dili Kartaa ilaa Ajashaydu ka Dhammaanayso’ Hoggaamiyaha Ururka Boko Haram

Araweelo News Network

Abubakar Shekau

Abuja(ANN)Hoggaamiyaha Ururka Boko Haram ee ka dagaalama galbeedka Afrika Sheekh Abubakar Shekau, ayaa shaaciyey inuu nool yahay, kadib markii millatariga Nigeria hore u sheegeen inuu ku dhintay weerar dhinaca cirka ah oo ay ku qaadeen saraakiil uu ku jiray oo ururkaasi ka tirsan.

Sida lagu baahiyey wargeyska The Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, Abubakar Shekau oo iska soo duubay muuqaal 40 daqiiqo ah oo uu khudbad ku jeedinayo dhawr luqadood oo ay ka mid yihiin Ingiriisi, Carabi, Xawsa iyo kuwo kale, ayaa meesha kaga saaray wararka laga baahiyey noloshiisa oo uu ku tilmaamay been abuur, “Waxaad saxaafaddiina ku faafiseen in aad i dhaawacdeen oo aad i disheen, haddaba, waa i kan nool. Ma jirto cid bani’aadam ah oo i dili kara ilaa ajashaydu ka dhammaanayso,” ayuu yidhi hoggaamiyaha ururka Boko Haram.
Ururka Boko Haram ayaa hore u sheegay in uu ku biiray kooxda Dawladda Islaamka ee ka talisa meelo ka mid ah dalalka Ciraaq, Suuriya iyo qaybo kale oo hoos yimaada waddamo Carabta ka mid ah.
Horaantii bishan September, ayaa kooxda Dawladda Islaamku ay sheegtay in Abubakar Shekau ay xilkii ka qaaday oo ay ku beddeshay nin kale oo lagu magacaabo Abu Musab Albarnawi, kaasi oo aan aad loo aqoonin.
Haseyeeshee, Abubakar Shekau laftiisa ayaa cod laga soo duubay ku beeniyey in la beddelay, isagoo sheegay inuu wali hayo xilka hoggaaminta ururka Boko Haram. Waxayse arrintaasi soo shaac-saartay inuu jiro khilaaf iyo kala qaybsanaan u dhaxaysa kooxdan xagjirka ah.
Kooxda Boko Haram oo sannadihii u dambeeyeyba ka hawlgalayey dalalka galbeedka Afrika, gaar ahaan Nigeria, Chad iyo Camaroon, waxa dagaallo iyo weerarro is-miidaamin ah oo ay fuliyeen ku nafwaayey tobanaan kun oo qof, iyadoo sidoo kalena ay ku baro-kaceen dad lagu qiyaasay 2.8 milyan qof.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post