X
    Categories: Warar

Maareeyaha Dekedda Berbera oo Meesha ka Saaray in Wax Khilaaf ah ka Dhexeeyo Madaxtooyada

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa sheegay in aannu wax khilaaf ah ka dhexayn isaga iyo Madaxtooyada Somaliland, si fiicanna ula shaqeeyo qasriga looga taliyo Somaliland oo dekeddu hoos tagto.
Wargeyska Geeska Afrika ee ka soo baxa Hargeysa, ayaa caddadkiisii shalay daabacay war ciwaankiisu ahaa โ€˜Ma run baa inay Madaxtooyada iyo Cali Xoor-xoor ku sii kala fogaanayaan heshiiska Dekedda Berbera?โ€™ isagoo wargeysku sheegay in maareeyaha iyo Madaxtooyadu isku khilaafsan yihiin maalgashiga Dekedda Berbera.
Hase yeeshee, Maareeye Xoor-xoor, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray gelinkii dambe ee shalay ku beeniyey warkaas, isagoo tilmaamay in aannu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya isaga iyo Madaxtooyada Somaliland.
โ€œWaxa layaab nagu noqotay warka been-abuurka ah ee uu baahiyey wargeyska Geeska Afrika maanta (shalay). Waxaannu caddayneynaa in warkaasi yahay mid xaqiiqda ka fog oo aan jirin.
Habayaraatee Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland kama dhex jiro wax khilaaf ah, waxayna Dekedda Berbera hoostimaaddaa Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland.
Maareeye ahaan waxaan ka mid ahay xukuumadda, waxaanan ku shaqeeyaa siyaasadda dawladda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.
Waxaan kula talinayaa wargeyska Geeska Afrika in uu ka waantoobo wararka been abuurka ah iyo ku-tidhi-kuteenka ah ee uu bulshada ku khalkhal-galinayo,โ€ ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post