X
    Categories: Warar

Maayarkii Hore Ee Boorama Iyo Koox Ganacsato Iyo Ah Oo Loo Xidhay Falkii Lagu Weeraray Guriga Badhasaabka Awdal

Saleebaan Xasan xadi Maayarkii hore ee Boorama oo loo xidhay tuhun weerarkii lagu qaaday guriga Badhasaabka Awdal 7 Oct, 2015 Araweelo News Network

Boorama(ANN)Ciidamada Booliska Somliland, ayaa xabsiga u taxaabay dad gaadhaya tobaneeyo qof oo ay ku jiraan Maayarkii hore ee magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xadi, Ganacsato, Odayaal iyo dhalinyaro, kuwaas oo lala xidhiidhiyay weerarkii xalay lagu qaaday guriga Badhasaabka Boorama oo ay ku dhinteen laba Askari, isla markaana sababay dhaawaca laba Askari.

Dadka la qabtay, ayaa dhamaantood maanta loo gudbiyay Xarunta Baadhista Denbiyada (CID) ee Caasimada Hargeysa, dadkaa ayaa qayb ka ahaa shaqsiyaad loo tuhunsan yahay inay raad ku lahaayeen falka weerarka ah ee saqbadhkii xalay dablay hubaysan ku qaadeen guriga Guddoomye Ramaax ee Boorama.
Magacyada dadka xabsiga loo taxaabay ee loo xidhay falkaa.

1- Maayarkii hore Saleebaan Xasan Xadi
2- Ninka ka ganacsada Dumaal qaadlaha Boorame iyo Xeebta
3-Idiris Alnajax oo ah Sariflaha ugu Weyn ee Boorame
4-Awgaab Maamule kuxigeenka Shirkada Telesom ee Gobolka Awdal.
5-Faarax Gaagiile.
6-Chief Caaqil Axmed Kaahin.
7-Nin Darawal Jaamacada Camuud Baska u wadey ah oo aan magaciisa lahayn iyo saddex dhalinyaro ah oo midkood uu dhalay Ganacsadaha Jaadka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post