X
    Categories: Warar

Macalimiin Lagu Dilay Wajeer

Araweelo News Network

Wajeer Kenya(ANN)-Saddex macllin ayaa lagu dilay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ka dib markii xalay weerar looga shakisan yahay in ay Al Shabab Fuliyeen lagu qaaday goob iskuul ah, sidaana Waxa baahiyay  Idaacada Capital FM.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa ah meel u dhaw xadka Kenya iyo Soomaaliya ay wadagaan. Dadka weerarka fuliyay ayaa sidoo kale waxa ay waddada iskuulka loo maro ay dhigeen waxyaabaha qarxa, sidaana waxa wargayska Naition u Sheegay abaanduulaha booliiska ismaamulka Wajeer Stephen Ng’etich.

Dhinaca kale Ila wareedyo laga helayo goobtaasi ayaa wakaalada wararka ee Anadolus u sheegay in waxyaabaha qarxa ay wadaada u dhigeen si aanay adeega gurmadka degdega ah  iskuulka usoo gaadhin.

Ma jirto cid sheegatay weerarkaa, balse waxa la rumaysanyahay in Al-Shabaab marar hore weeraro ka fuliyay deegaankaa ka danbeey een weerarka lagu khaarajiyay macalimiinta.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post