X
    Categories: Warar

Madaxda Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka Oo Sheegay In Ruushku Sii Wadayo Faragelinta Doorashooyinkooda

Araweelo News Network

Washington(ANN)-Madaxda hay’addaha sirdoonka Mareykanka ayaa si cad u sheegay in Ruushka uu sii wadi doono iskudayga faragelinta ah ee uu ku hayo siyaasadaha Mareykanka, waxaana ay sheegeen in iskudayaddaasi ay khatar ku yihiin doorashooyinka la qaban doono bisha November 2018.

 

Madaxda hay’addaha kala duwan ee sirdoonka ayaa sidaa ka sheegay mar ay warbixin siinayeen guddida aqalka Senate-ka u qaabilsan arimaha sirdoonka oo sannadkiiba mar ka arinsada halista soo waajihi karta Maraykanka.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka, Dan Coats, ayaa sheegay in ujeedada Moscow tahay inay wiiqdo kalsoonida shacabka dalkaasi ku qabaan dimuqraadiyadda Mareykanka.

Badhtamhii sanadkii hore sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha gudaha ee Maraykanka ayaa u sheegtay aqalka Congress-ka in ay hayso cadaymo muujinaya in budhcadda internetka Ruushka ay bartilmaameedsadeen nidaamka doorashada Maraykanka ee 21-ka gobol ee doorashadii madaxtinimada ay ka dhacday sannadkii la soo dhaafay.

Jeanette Manfra oo madax ka ah waaxda ammaanka ee internetka ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay hufnaanta doorashada Maraykanka laakiin waxay qirtay in waaxdeedu aanay tijaabo ku samayn qalabka codaynta.

Hay’adda dambi baadhista gudaha Maraykanka ee FBI-da ayaa sidoo kale baadhitaan ku sameynaysa isku-deygii Ruushka uu ku sameeyay inuu farageliyo doorashada iyo xidhiidhka ka dhaxeeyay Aqalka Kremlin ee Ruushka looga arrimiyo iyo guddida ololaha Trump

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post