X
    Categories: Warar

Madaxtooyadda Oo Lagu Qabtay Kulan Lagaga Arrinsanayey Sidii La Isu Waafajin Lahaa Xuska 18-May iyo Qadhaan Ururinta Dadka Abaartu Saamaysay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Kulan saacado badan qaatay oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Somaliland ujeedadiisuna ahayd sidii laysula meel dhigi lahaa xuska 18-may 2017 iyo qaadhaan ururin loo sameeyo bulshada reer somaliland ee abaaruhu sameeyeen oo ay wada yeesheen xubno ka mida golaha wasiirada, guddida taakulaynta abaaraha iyo ururada bulshada rayidka ah.

Kulankaa saddex geesoodka ah oo lagu lafo guray sidii laysaga kaashan lahaa shacbi iyo xukuumadba laysuna waafajin lahaa sanad guurada 27aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ku beegan 18-May-1991-kii, oo wakhtigan oo kalena laga xuso guud ahaan Somaliland iyo meel kasta oo ay joogaan muwaadiniinta reer Somaliland, balse sanadkan uu madaxweynaha qaranka Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isagoo ka dareen celinaya xaalada dalku ku sugan yahay ee abaarta baahsan awgeed uu amray in loo bedelo mid qadhaan ururin ah oo dalka gudihiisa iyo dibediisaba xil weyn la iska saaro sidii loo samato bixin lahaa dadka abaartu saamaysay ee haraadka iyo gaajadu haleeleen, xoolihiina ay ka dhamaadeen.

Waxaana kulankan oo ahaa mid hor dhac ah lagu soo qaaday sidii xukuumada, ganacsatada, ururada bulshada, warbaahinta, shirkadaha, qurba-joogta, iyo shacbiga weynuhu ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen taakulaynta iyo gargaarka shacbiga la tiicaya xaalada abaareed iyo Xanuunada, mudooyinkii u danbeeyey ka taagnaa gobolada dalka qaar ka mid ah.

Xafiiska Afhayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post