X
    Categories: Warar

Madaxtooyadda Somalia Oo Madaafiic Lagu Garaacay

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Xarunta Madaxtooyada Dowlada Federaalka ee Villa Somalia, ayaa markale weerar madaafiic ah lagu garaacay, iyadoo ay weerrarka Madaafiicda sheegteen Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta.

Maanta duhurkii ayaa tira madaafiic ah lagu duqeeyay Villa Somalia oo xiligaa oo sida wararku sheegayaan shir uga socday Hoggaanka DF-ka iyo madaxda maamul goboleedyada Somalia ee loogu yeedho guddiga wada tashiga qaranka , kuwaas oo ku hawlan arrimaha.
Dadka deegaanka, ayaa xaqiijiyay in Madaafiic lagu garaacay halkaa xiliga uu ka socday shirku kuwaasi oo ay suuragal tahay inay ka dhasheen khasaare kala duwan , balse lama sheegin khasaaraha ka dhashay, iyadoo warar lagu kalsoonyahay sheegayaan in ugu yaraan 6 madfac ay ku dhaceen madaxtooyada ma jiraan illaa iyo hadda wax faah faahin dheeri ah oo kasoo baxay khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi.

Dhinaca kale war rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda weerrarka madaafiicda ah ee lagu qaaday Villa Somalia sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Al-shabaab ku hadasha.
Xukuumadda Somalia, ayaan wax war ah kasoo saarin Madaafiicda lagu garaacay halkaa oo aan la ogayn khasaaraha dhabta ah eek a dhashay.
Al Shabaab waxay ku faantay in dagaalyahanadeedu dharaar cad ay u awood u yeesheen in ay duqeeyaan halka looga arrimiyo dowladda Federaalka, iyadoo weerrarkan uu yimi maalmo kaddib markii dhowaan qarax khasaara badan dhaliyay lagu qaaday Hoteelka SYL ee kaabiga ku haya madaxtooyada dowladda Federaalka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post