X
    Categories: Warar

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici Oo Ka Hadlay Furitaanka Shirwaynihii 8aad ee Dallada SONYO.

Araweelo News Network

Madaxweyne-kuxigeeenka Somaliland oa shaqybgelaya shirka SONYO


Hargeysa(ANN)Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay Shirwaynihii 8aad ee Dallada SONYO oo maanta ka furmay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Muuqaalka Shirka SONYO


Madaxwayne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo hadal ka jeediyay furitaanka shirwaynaha sideedaad ee Dallada SONYO, wuxuu dardaaran usoo jeediyay xubnaha dallada SONYO isagoo sheegay in aanay xukuumadda Somaliland soo faragalin doonin arrimaha Dallada SONYO, isagoo yidhi, “Waad u madax bannaanan doontaan arrimihiina cid idin faragalin doontaana majirto ,waxanan Idinkula dardaarmayaa inaad soo saartaan hoggaan wanaagsan oo badala hogaankii hore “ayuu yidhi Madaxwayne-xigeenka Somaliland mudane Saylici.

sidoo kale waxa shirka Dallada SONYO, ka qayb galay Masuulin kale oo xukuumadda ka tirsan, Madaxda sare ee Saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI iyo Guddomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada.

Hadalo ay masuuliyiintaa qaarkood ka jeediyeen furitaankii shirka, waxay dhalinyarada kaga waaninayaan Qabyaalada iyo qof jeclaysiga, iyagoo dhinaca kale usoo jeediyay inay ka fekeraan sidii dalka loo horumarin lahaa, isla markaana wadajirka Bulshadda looga shaqayn lahaa.

Shirwaynaha dallada SONYO ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, iyadoo habeen danbana lagu dooran doono hoggaan cusub, kaasoo badeli doona hoggaanka muddo xileedkiisu dhaamday.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post