X
    Categories: Warar

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shacbiga Salaadii Munaasibada Ciida Fidriga Fariin U Diray

Araweelo News Network

madaxweyne ku xigeenka

Hargeysa(ANN)-Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxwayanaha Qaranka Somaliland ayaa qaar kamida dadwayanaha ku dhaqan magaalada hargaysa kula soo tukaday salaada ciidal fidriga masjid jaamaca wayn ee magaalada Hargeysa.

madaxweyne ku xigeenka Iyo guddoomiyaha KULMIYE


Madaxwayneku-xigeenka oo khudbad u jeediyay bulshada ayaa ugu hambalyeeyay munaasibada ciidal fidriga, isagoo Madaxwayne ku-xigeenku khudbadiisa kaga hadlay wadahadaladii u socday Khaatumo iyo Jamhuuriyada Somaliland, e dhawaan ay ka soo baxeen go’aamadii lagu heshiiyey ee hordhaca ahaa, waxaana uu sheegay Madaxwayne ku-xigeenku in xukuumadda uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay dalka ku wado muslaxad iyo isu soo jiidista bulshada Somaliland waxaanu yidhi “Aad baan idiinku hambalyaynayaa munaasibada ciidul fidriga awgeed, waxa kale oo aan jecelahay in aan ka hadlo heshiiska ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo, waxa jira dad mixnad ka dhex abuuraya heshiiskaa ama xageenan ha joogaan ama kuwii iyaga la joogay ha ahaadeene, waxaan aaminsanahay inay heshiiskaasi uu ahaa heshiis qaran” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku sheegay.


Ugu danbayntiina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku soo noqday qasriga madaxtooyada Somaliland, halkaasina waxa uu ku qaabilay qaar ka mid ah shacbiga Caasimada oo ku soo bookhday Madaxtooyada.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post