X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Oo U Hanbalyeeyay Shacbiga Somaliland Iyo Madaxweynaha La Doortay

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaayo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale Farmaajo ayaa Shacabka Somaliland iyo xisbiyada siyaasadeed ku amaanay sida quruxda badan ee ay u dhacday doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee qabsoontay Isniintii 13 Nov 2017, taas oo natiijadeeda Komishanka Qaranku ku dhawaaqeen 21 Nov 2017 .

 

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Doorashada Madaxtooyadda Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen, waxaan si dhaw ula socday dhammaan diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.” ayuu yidhi Farmaajo.

 

Sidoo kale, Farmaajo ayaa balanqaaday inuu si dhaw ugala shaqayn doono madaxweynaha cusub ee Somaliland dardargalinta wada-hadalladii hakadka galay ee u socday dawladda federaalka iyo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

“Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Dawladda Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u bilowda Somaliland iyo Soomaalida oo dhan.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post