X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Djibouti Oo Ka Hadlay Mucaaradka Dibad Wareega Ah Ee Ku Kacsan, Arrimaha Soomaaliya Iyo Saldhigyada Dalkiisa

Araweelo News Network

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa  sheegay in mucaaradka dalkiisa ee dibad jooga ah ay kusoo laaban karaan dalka, wuxuuna ku dooday in aanay jirin wax dhibaato iyo faquuq ah oo lagu hayo mucaaradka Dalka ee ku kacsan xukuumaddiisa.

Madaxweyne Ismaaciil Geele oo arrintaa ka hadlaya ayaa  yidhi.  “Qof ra’yigiisa lagu xidhay annagu ma hayno , qof la dilayna ma hayno, qof la xukumay ma hayno, haddii aanu isagu ku xadgudbin xoriyadda dadka kale oo aanu ku xadgudbin qaanuunka dalka”

 

Dhinaca  kale Madaxweyne Ismaaciil, wuxuu ka hadlay dacwad u dhaxeysa dowladiisa iyo shirkadda dekedaha ee DP World, taas oo dowladda djibouti ay ka wareejisay maamulka dekada Dooraale.
Madaxweynaha ayaa sheegay in djibouti ay leedahay saamiyada ugu badan shirkadda, ayna arkeen shirkadda DP World in aanay ka shaqaynayn danaha dekedaha djibouti, sababtaana ay ula wareegeen maamulka dekedda Dooraale, isagoo yidhi  “Waanu ognahay saamigoodiii, balse waa in laysku ixtiraamaa sida loo kala saami badanyahay”.

Mudane Ismaaciil Cumar, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siinayay tafatiraha laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Cabdullaahi Cabdi, isagoo sidoo waraysigaa ka hadlay ganacsiga iyo muhiimadda saldhigyada Millateri u leeyihiin  dalkiisa oo sida uu sheegay kaalin wayn ka qaadanayaan ka shaqaynta nabadda iyo danaha dalkiisa Djibouti.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele sheegay in loo baahan yahay in dhaqaale lagu bixiyo xoojinta ciidammada soomaaliya si nabadda loogu soo dabbaalo dalkaa.

 

Halkan ka dhegeyso waraysigaa oo dhamaystitan

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post