X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelo Walaala Ah Oo Dagaalkoodu Kasoo Cusboonaaday Deegaanka Ceel Af-weyn

Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo saaka ka qaybgalay Xuska Maalinta Bilaha Cas iyo Laanqayraha Cas ee 8-May oo maanta oo ay taariikhdu tahay 09.05.2018 lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu fariin baaqa u diray beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmarayo deegaanka ceel afweyn ee gobolka Sanaag.

Waxaanu madaxweynuhu yidhi “waxa aan halkan baaq uga dirayaa beelaha ceel af-weyn ku dagaalamaya, dagaalkaas oo riiq dheeraaday oo saakana meelo badan ka bilaabmay, waxaan ugu baaqayaa dadkaa walaalaha ah ee islaynayaa inay dagaalka joojiyaan, dhiigga bilaa micnaha u daadanaya inay joojinayaan ayaan baaq dheer ugu dirayaa.

Hadaa wararku ina soo gaadhayaan inay dhawr meelood saaka dagaal ka bilaabeen ceel afweyn, waana dagaal soo noq-noqday, qaranka Somaliland qofkasta oo xilkas ahna waxa aan ugu baaqayaa sidii nabad looga dhalin lahaa innaynu u wada guntano, way inagu riiqdheeraatay way soo noq-noqotay, waa dadkeenii, waa masiibo inagu dheeraatay, ilaahay waxan ka rajaynayaa in aynu nabaddeeda degdeg u xidhno oo aynu dhammaanteen isugu tagno”.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post