X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Guddida Doorashooyinka Qaranka Ku War Geliyay Diyaarinta Jedwalka Doorashooyinka Golayaasha Wakiilada Iyo Deegaanka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka subaxnimadii hore xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kulankan madaxweynaha iyo komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka ee loo asteeyey inay dalka ka qabsoonto 13-March-2019-ka, waxaanu madaxweynuhu guddida doorashooyinka qaranka kala hadlay sidii ay u samayn lahaayeen jadwal sax ah oo ku jaan go’an doorasho xor iyo xalaal ah oo aan dib uga dhicin waqtigii hore loogu asteeyey, isaga oo muujiyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin wixii dhinacooda looga baahdo ee ku saabsan qabsoomidda doorashooyinkaas.

Xubnaha guddida doorashooyinka, ayaa dhinacooda ballan qaaday inay hawshaasi sideeda u fulin doonaan, kuna dedaalayaan in aanay maalin dib u dhicin doorashadu; sidoo kalena, ay dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ka hayaan ballan-qaad rasmi ah oo sheegay inay diyaar la yihiin, wixii kharashaad ah ee ku baxaya doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha degaanka, madaama oo xukuumaddu muujisay sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinkaasi waqtigii loo asteeyey ku qabsoomaan.

 

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post