X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Reer Djibouti Ku Hambalyeeyey 41-guuradii Ay Gobonnimada Qaateen

Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Hargeysa-(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka dalka Jahuuriyadda Jabuuti ku hambalyeeyey sanad-guurada 41-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad dhinacyo badan habeenkii xalay ka jeediyey munaasibad loogu dabbaal-degayo sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay xorriyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sanad-guurada xorriyadooda, waxana uu u rajeeyey horumar iyo barwaaqo, waxana isaga oo hambalyadaas diraya uu yidhi,“Waxa aan halkan hambalyo uga dirayaa hambalyo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti gobonnimadooda oo ku beegan 27-ka June Berri , innaga oo laba waddan oo jaar ah oo aad isugu dhaw ayaa haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, iyagana hambalyaan u dirayaa in Ilaahay sanadkaa sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.”

Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo iyo derisnimo-wanaag salka ku haya la leh dalka Jabuuti, waxana labada shacab ka dhexeeya dareen walaalnimo oo aan duugoobaynin.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post