X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Turkiga Oo U Hanjabay Midawga Yurub

Araweelo News Network

Ankara (ANN)Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa uga hanjabay dalalka Midowga Yurub in uu xuduudihiisa u furi doono boqolaal kun oo muhaajirihiin ah oo doonaya inay u talaabaan Yurub.

Digniintaasi ayaa ka dambeysay markii uu Baarlamaanka Yurub u codeeyay in la joojiyo wadahadalada ku aaddan xubinnimada Turkiga, maadaama sida midawga Yurub sheegay ay xukuumadda dalkaasi awood xad dhaaf ah u adeegsaday dadka lagu tuhunsan yahay isku daygii afgembi ee July 2016.

Madaxweyne Erdogan, ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub in uu ka baxay ballanqaadyo uu hore ugu sameeyay Turkiga.

Labada dhinac, ayaa horay ugu heshiiyay in Ankara ay joojiso muhaajiriinta kasoo gudbeysa xuduudaheeda, taa bedelkeedana loo dedejin doono wadahadalada xubinnimada Midowga Yurub.

Heshiiskaasi ayaa aad hoos ugu dhigay tirada muhaajiriinta ee u gudbayay waddamada Midowga Yurub.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post