X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Uganda Oo Socdaal Qarsoodi Ah Ku Tegey Muqdisho Kana Dalbay Madaxweynaha Somalia Go’aan Khilaafka Lagu Soo Af-jaro

Mogadisho(ANN)Madaxweynaha Uganda Yuweri Muzeveni, ayaa booqasho kedis ah oo aan la shaacin ku tegey Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia xalay. Sidaana waxa laga soo xigtay saraakiil ka mid ah Xukuumadda Somalia, kuwaas oo sheegay in Madaxweyne Muzeveni kulan waqti kooban qaatay Madaarka Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha Somalia.

Balse kulankaa oo an si dhab ah loo ogayn waxyaabaha lagaga hadlay, warar si hoose uga soo baxay xubno ka ag dhow Madaxweyne Xasan Sheekh sheegeen in ujeedada booqashada kooban ee Madaxweynaha Uganda ahayd sidii xal loogu heli lahaa khilaafka isaga Madaxweynaha Somalia iyo raysal wasaarihiisa,

Lama ogga qaabka uu wadahadalku u dhacay iyo waxa ay isla qaateen, balse sida ay sheegayaan xoggahaasi Madaxweyne Muzeveni oo kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Somalia ay ku wheliyeen saraakiil sare oo ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho, Raysal Wasaaraha Cabdiweli Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Jawaari, ayaa ku dhamaaday guuldaro. Kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh loo soo jeediyay inuu is casilo, taas oo uu ganafka ku dhuftay, balse Madaxweyne Xasan Sheekh , ayaa ogolaaday ugu danbayntii in xalka khilaafka siyaasadeed uu raadinayo oo sidii arrinta loo xalin lahaa xil ka saaranyahay. Laakiin aanay marnaba dhacayn inuu is casilo.

Madaxweynaha Uganda Mr. Muzeveni, waxa markaa ka dib uu kulan gaar ah la yeeshay Saraakiisha sare ee Ciidamada AMISOM ee dalkiisu hormoodka u yahay, kuwaas oo aan la ogayn waxa uu kala hadlay iyo awaamiirta uu siinayay, balse waxa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Saraakiisha Ciidanka la siiyay awaamiir cusub oo la xidhiidha xaalada xiisada khilaafka madaxada Somalia.
Booqashada Madaxweynaha Uganda oo ahayd mid qarsoodi ah, ayaan si cad loo ogayn natiijada dhabta ah ee kulamada uu la yeeshay Madaxweynaha Raysal Waasaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, kuwaas oo hore uga dhega adaygay dedaalka Dublamaasiyiinta Beesha caalamka ee xal u helida khilaafka u dhexeeya, isla markaana ay suurtagal noqon weyday in Baarlamaanka Somalia oo mooshin la doonayay in xilka lagaga qaado Raysal wasaaraha uu dhicisoobay markii labaad shalay fadhigii Baarlamanka kadib buuq iyo sawaxan hadheeyay madasha oo ay hormood u ahaayeen mudanayaasha kasoo horjeeday mooshinkaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post