X
    Categories: Warar

Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi Oo Xaalad Deg-deg Ah Kusoo Rogay Dalka

Araweelo News Network

Egyptian President Abdel-Fattah el-Sisi (Photo by AFP)

Cairo (ANN)-Madaxweynaha Dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi, ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay dalka maalin kadib markii qaraxyo sababay dhimashada ku dhowaad 40 qof ka dhaceen Kaniisado kuyaal wadanka Masar.
War kasoo baxay Madaxweynaha Dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi, ayaa lagu sheegay in xaalad degdeg ah lagusoo rogay dalka Muddo sedax bilood ah.

“iyadoo loo hoggaansamayo tallaabooyinka qaanuuniga ah ee dhigaya sugidda amniga ayaa wadanka la geliyay sedax bilood oo xaalad degdeg ah” ayuu yidhi el-Sisi oo ka hadlayay Telefeshinka afka dowladda ku hadla.

Dhinaca kale dhimashada ka dhalatay qaraxyadii Kaniisadaha Danda iyo Alaskandariyah ayaa gaartay 44 qof, iyadoo dhaawacyadu ay gaadhayaan 200 oo qof.

Dadka ku halaagsamay weerarada ayaa ah Masiixiyiin ka tirsan Aqaliyadda Qibdiyiinta, tan iyo markii uu Alsiisi xukunka melleteri ku qabsaday Wadanka Masar waxa sii kordhayay weerarada ka dhanka ah Qibdiyiinta tirada yar ee dalkaa.

Sidoo kale weeraro inta badan ka dhaca Siinaay oo lala beegsado Milateriga dalka Masar, ayaa sababa khasaare dhimasho iyo dhaawac.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post