X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Celiyay In Somaliland Doonayso Nabad Oo Aanay Rabin In Ay Colaad Beerto

Araweelo News Network

Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay munaasibadda 26-ka June ee sanadkii 1960-kii oo ku beegan markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska oo ay maxmiyad u ahayd, taas oo maalinta berri ah ku beegan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta xafiiskiisa ka hadlay, ayaa guud ahaanba shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka heshay dalweynaha Ingiriiska, waxaana uu yidhi, “Waxa aan halkan hambalyo uga dirayaa ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba dunnida dacalladeeda iyo inta dalka gudihiisa joogtaba, Berrina haddii Allah idmo waa 26-kii June, 58-sano (Siddeed iyo konton), ayaa kasoo wareegay maalintii aynu xorriyadda ka qaadanay dawladda Ingiriiska. Ilaahay mahaddii halgan dheer oo siddeetan sano ku dhawaad ah oo umadda reer Somaliland ugu jirtey inay xorriyaddeeda hesho, ayeynu maalintaas ku guulaysannay.”

Madaxweynuhu waxa uu shaaciyey inay Somaliland xorriyaddeeda ka hor qaadatay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana gobonnimadeedu ku dhisnayd xuduudo ay dhammaanba dalalka Afrika heshiis ku ahaayeen, “Gobonnimadaa ay Somaliland heshay waxa ay ahayd tii ugu horraysay ee dad Afka Soomaaliga ku hadlaa ay qaataan, wayna jireen qaybo dhulalka kale katirsan, sida Itoobiya iyo Kiiniya, laakiin Jabuuti iyo Soomaaliyaba waxa ka horraysay Somaliland. Somaliland waxa ay ahayd qaran ku dhisan xuduudihii isticmaarku kaga tegay Afrika ee ay Afrikana ku heshiisay 1964-kii, maantana ururka Afrika ee dhisan uu ku dhisan yahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu farriin u diray dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay inaan loo baahnayn curinta colaado cusub, waxaana uu yidhi, “Dhammaanba dadka Af soomaaliga ku hadla waxan leeyahay Somaliland waxa ay doonaysaa nabad, Soomaaliya-na waxan leeyahay way inaga duntay dawladdii, 27-sano oo silic, rafaad, dhimasho iyo waxbarasho la’aan ahna waynu ku jirnay, umana sii baahnin colaado kale oo aynu beerno.”

Allaa Mahad leh

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post