X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Kormeeray Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Kadibna xadhiga Ka Jaray Mashaariic

Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo oo xadhiga ka jaraya Mashaariic laga hirgeliyay Miiska saraakiisha


Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo Kormeer guud ku tegay Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland maanta, ayaa Xadhiga ka jaray Mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey Miiska Saraakiisha.

Hargeysa()Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu kormeer guud ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida.

Intaa ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay Miiska Saraakiisha oo laga hirgeliyey Wadooyin, Dhismayaal, Garoon kubadeed iyo mashaariico kale oo badan, ugu horayna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray waddo laami ah oo dhan 700 Miter kuna wareegaysa miiska saraakiisha gudihiisa, iyo Dugsi lagu baran doono Luuqadaha (Languages) loona dhisay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Saraakiisha, madaxweynaha oo sii watay furista mashaariicaha kala duwan ayaa xadhiga ka jaray guryo cusub oo loo dhisay Hurimaha ciidanka gaar ahaan kuwa Baanboyda tuma, kuwaas oo ay seexan doonaan ama hoy u noqondoonna.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray garoon casriya oo loo dhisay in saraakiisha iyo ciidamadu ku ciyaaraan ugu yaraan afar ciyaaroood oo kala duwan wakhtiga nasashada si looga ilaaliyo saraakiisha inay isticmaalaan balwadaha kala duwan ee uu qaadku ka midka yahay.

Furitaanka iyo kormeerkaa ka dib waxa Madaxweynaha warbiximo ka siiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale iyo Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali “Cadami” oo ku dheeraaday dedaalka iyo horumarka ciidanka qaranka Somaliland ku talaabsaday mudooyinkii u danbeeyey.

Madaxweynha oo ugu danbayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Farxad weyn bay ii tahay in aan maanta halkan Miiska saraakiisha imaado oon furo mashaariicahaa kala duwan ee qiimaha iyo qaayaha weyn leh, saraakiishu waa waxa aanu ku faanayno ee Ciidanka iyo Qarankuba ku faano, waana waxa dalka iyo dadkayagaba daafaca, waa wax aanu annaguna aad iyo aad ugu faano oo qiimo weyn iyo qaayaba inoo leh, farxad weyn ayey nootahay in aanu ka soo qaybgalno xafladan, insha Allaa waxa aan rajaynayaa in aynu halkaa hore uga sii marno oo hore uga sii talaabsano, ciidankeenuna in halkaa iyo meel ka sii wanaagsanba uu u sii talaabsado ayaan illaahay ka rajaynaynaa” ayaa yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post