X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Guddida Abaaraha Heer Qaran iyo Odayaasha Dhaqanka Ee Gobolka Sanaag

Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo oo la kulamay gudida abaaraha iyo odayaasha sanag

Ceerigaabo(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo xalay u hoyday Magaalada Ceerigaabo isaga iyo weftigii balaadhna ee uu hogaaminayey waxay kulan muhiima la qaateen Guddida Abaaraha heer qaran iyo heer degmo ee Gobolka Sanaag iyo odayaasha dhaqanka ee gobolkaas, waxaanay ka wada hadleen xaalada abaartu baaxada ay leedahay iyo sida dadkaas wax loo gaadhsiin lahaa.

Kulankan oo ay guddida abaaraha heer gobol warbixin waafiya ka siiyeen madaxweynaha iyo weftigiisa waxa ay soo bandhigeen in xaaladu tahay mid ku adag dadka xoolo dhaqatada ah iyo duunyada ku dhaqan dhulkaa, iyagoo hogo tusaaleeyey soona bandhigay in ay jiraan reero shan goor ka guuray gurigii ay degenaayeen abaarta awgeed ka dib markii xerada ay degaanba marka uu waagu beryo ay ugu tegayeen kala badh adhigii xalay la xareeyey oo bakhtiyey.

muuqaalkakulanka


Madaxweynuhuna waxa uu u balan qaaday in aanay ka xukuumad ahaan waxba kala hadhi doonin dadkaasi abaartu haleeshay, haday noqoto gargaarka biyaha, saadka dadka iyo xoolaha wixii awoodooda ah, ka guddi ahaana ay dedaalkooda sii kordhin doonaan marwalba madaxweynuhuna uu ku dabajoogi doono sida ay wax u socdaan si dadka iyo duunyadaba loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadin kare.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post