X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Kusoo Laabtay Dalka Kana Hadlay Ujeedada Safar Todobaad Dalka Imaraadka

madaxweynaha Somaliland I yo Madaxweyne ku xigeenka oo salaam ka qaadanaya cutub ka tirsan ciidanka qaranka

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaayo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa dalka Imaaraadka carabta ayaa dalka dib ugu soo laabtay maanta 14.06.2015.

 

Madaxweynaha iyo weftigii la socday markii ay soo cago dhigteen garoonta diyaaradaha ee  Egal International Airport waxa si weyn ugu soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Saylici, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, Wasiiro, Xildhibaanada labada Golle, Sulaadiin, Cuqaal, shacbi baddan oo kale.

 

Ugu horayna waxa uu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay, cutubyo ka mida ciidamada qaranka, isaga oo madaxweynuhu uga soo gudbay qolka nasashada ee madaarka, ka dibna waxa uu xog waran ka siiyey saxaafadii ku sugnayd halkaasi nuxurka uu daarnaa Safarkooda oo qaatay muddo 8 maalmood ah.

 

Ugu danbayna waxa madaxweynaha loo soo gelbiyey dhinaca madaxtooyada iyadoo ay qaybaha bulshada inteeda kale oo dhinacyo tubnaa wadooyinka waa weyn ee caasimada madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey sacab, iyo caleemo qoyan.

Halkan Ka Daawo Riix

 

 

 

 

 

 

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post