X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magcaabay Guddida Sare Ee Jaamacadda Hargeysa

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu JSL/M/XERM/249-4264/092016 tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka Jaamacada.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Ku Qancay: In la beddelo Guddidii hore ee muddada dheer soo shaqaynaysay;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo Magacaabidda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa);

Wuxuu go’aansaday;

In uu magacaabo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood oo faahfaahintoodu hoos ku xusan tahay:

1. Mudane, Cabdi-samad Cumar Maal Garyaqaanka Guud (Guddoomiyaha Guddida).

2. Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed Negaad (Guddoomiye Ku-xigeen Guddida).

3. Abdillaahi Ibraahin Habane Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare.

4. Cali Cabdillaahi Daahir Madaxa ICT Commission-ka.

5. Liibaan Ismaaciil Maxamuud Guddida Xuquuqal Iinsaanka.

6. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Duqa Caasimadda Hargeysa.

7. Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.

8. Maxamed Faarax Xirsi Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta.

9. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ganacsatada.

10. Cabdikariin Maxamed Iid Ganacsatada.

11. Suldaan Axmed Daahir Muuse Culimada.

Guddidu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka iyo Xeerka Jaamacadda Hargeysa.

ALLAA MAHAD LEH

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post