X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Kedis Ah U Baxay Xili Muran Siyaasadeed ka Dhashay Heshiiskii Axsaabta Iyo Go’aankii Guurtida

Booqashada Madaxweyne Silaanyo ee Berbera

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa safar gaaban oo aan hore loo shaacin ugu baxay maanta dhinaca magaalada Xeebta ah ee Berbera,iyadoo aan la ogayn ujeedada dhabta ah ee safarka Madaxweynaha.

Hase yeeshe sida sheegayaan warar la xidhidha safarka Madaxweynaha waxa la filayaa inuu xadhiga ka jaro mashaariic la xidhidha waxyaabo lagu kordhiyay Dekedda Iyo Haammaha shidaalka ee magaalada Berbera.

Muuqaalka Soo Dhowayntii Madaxweyne Siilaanyo ee Berbera 30 May 2015.

Muuqaallka soo dhowayntii Madaxweynaha ee Berbera

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo, oo aan la ogayn inta uu qaadan doono, ayaa kusoo beegmay xili muran siyaasadeed oo ka dhashay Heshiiskii Axsaabta Qaranka ee xukuumaddu gadhwadeenka ka ahayd oo khilaafsan go’aanka muddo-kordhinta golaha guurtida muran siyaasadeed ka taagan yahay, iyadoo Heshiiskaa golaha guurtidu fadhi uu maanta ka yeeshay ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn Dastuurka iyo qawaaniinta dalka, isla markaana ku tilmaameen mid aan soconayn oo aanay sinaba u aqbalayn.

Araweelo News Network

Somaliland Office

Email info@araweelonews.com

Jaamac132@gmail.com

Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post