X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Saaray Magcaabis Masuuliyiin Cusub, Xil Ka Qaadis Iyo Isku Shaandhayn Uu Ku Sameeyay Xukuumaddiisa

Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo


Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa xil ka qaadis iyo isku bedel ku sameeyay xukuumaddiisa, isla markaana magcaabay masuuliyiin cusub.

sidaana waxa lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay caawa qasriga Madaxtooyadda, kaas oo u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3830/022016 uu Magacaabis, Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan.

MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan Wasaaraddaha, iyo Gobolada,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: Inay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

No Magacaabid Xil hore Xil Cusub / Xil suge / Qaadis
1 Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Wasaradda Duulista Wasiirka Warfaafinta
2 Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir Wasiirka Warfaafinta Wasiirka Xannaanada Xoolaha
3 Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax Wasiirka Xannaanada Xoolaha Wasiirka Duulista Hawada
4 Mudane, Muuse Qaasim Cumar Wasiirka Ganacsiga Xil Suge
5 Mudane, Yaasiin Maxamed Shide Guddoomiyaha Gobolka Sool Xil Suge
6 Mudane, Xuseen Aadan Cige Af-hayeenka Madaxtooyada Wasiirka Ganacsiga
7 Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin Wasiir Ku-xigeen W. Xidhidhka Golayasha Xil Ka Qaadis
8 Mudane, Cabdillaahi Maxamed Carey Maareeyaha Madbacadda Qaranka Xil Ka Qaadis
9 Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Wasiir Ku-xigeen W. Duulista Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga
10 Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga Wasiir Ku-xigen W. Qorshaynta
11 Mudane, Cabdi Yuusuf (Cabdi Wadad) Wasiir Ku-xigeen W. Qorshaynta Wasiir Ku-xigen W. Kalluumaysiga
12 Mudane, Naasir Ayjeex Jaamac Wasiir Ku-xigenka W. X. Golayasha
13 Mudane, Maxamed X. Aadan Cilmi Wasiir Ku-xigeen W. Kalluumaysiga Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada
14 Mudane, Axmed Nuur Faahiye Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada Wasiiru Dawlaha W. Duulista
15 Mudane, Xamse Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
16 Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Guddoomiyaha Gobolka Sool
17 Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cilmi Fahiye (Shamax) Afhayeenka Madaxtooyada
18 Mudane, Siciid Saalax Shire Maareeyaha Madbacadda Qaranka

ALLAA MAHAD LEH

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post