X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Taageeray Sucuudiga Iyo Aqoonyahan Samatar Oo Uga Digay Xukuumadda Somaliland Inay Dhexagasho Siyaasadaha Murugsan Ee Iran Iyo Sucuudiga

Araweelo News Network

London(ANN)Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasada caalamka iyo kuwa mandaqada, ayaa uga digay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo inay dhexdabaato siyaasada murugsan ee ka aloosan mandqada.
Prof. Axmed Samatar, wuxuu usoo jeediyay Xukuumadda Somaliland in aanay faraha la galin xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex ooggan Iiraan iyo Sucuudiga oo ay ka fogaato intii ay awoodo inay ka fogaato.

‘’Anigu waxaan odhan lahaa Somaliland Afkiina haysta, innaka hawlo baddan oo kale ayaa innoo yaalla waddan dhiskeennii adduunyada sidaynu macaash uga keeni lahayn ayaa innoo taalla, qof aan ku xasaradaysan lama xasaradaysto ayay aniga ila tahay, siyaasaddaaduna waa inay had iyo jeer noqotaa mid iska ilaalisa dab meel ka holcaya in aanad doonan oo aanad ku joogsan ayay aniga ila tahay, markaa madaxda Somaliland sidaas ay uga aamusanyihiin ayaan anigu ku goobaabin lahaa inay uga aamusnaadaan, labadaas waddan ee islaamka ahna in illaahay labadoodaba khayrka waafajiyo ayaan anigu odhan lahaa,..’’ ayuu yidhi Prof. Axmed Samatar oo warbaahinta hadal kooban u mariyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Dhawaaqa Prof. Samatar, wuxuu kusoo beegmay xili dawlada Somalia ku kala qaybsantay arrimaha khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Iran iyo Sucuudiga.sidoo kale wuxuu dhawaaqiisu kusoo beegmay saacado ka hor markii Madaxweyne Siilaanyo oo labada gole qaran u jeedinayay khudbad sanadeedkiisa 2016, ku cadeeyay mawqifka xukuumaddiisa, isla markaana cadeeyay inay taageerayaan dalka Sucuudiga.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 4764409

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post