X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Mid Ka Mid Ah Dhismayaasha Indha Sarcaadka Ah Ee Aan La Shaacin Kharashka Ku Baxa Iyo Qandaraaskooda


Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray Dhisme laba dabaq ah oo ay wasaaradda Xanaanada Xooluhu ka hirgelisay xayndaabkeeda, kaas oo sida lagu sheegay ka mid ah balamihii uu shacbiga Somaliland u balan qaaday ee dib u dhiska iyo horumarinta qaranka.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu kormeeray xafiisyada dhismaha cusub ee Wasaaradda, wuxuuna amaanay wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo dhamaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda.

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo dhismayaal kale oo dhawr ah oo ay dhistay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ah kuwo baahi weyn loo qabay, balse waxa jira doodo ka taagan qaabka dhismayaasha loo dhiso tayadooda iyo in ay noqdaan kuwo ku haboon xafiisyo, waxaana dhowaan muran iyo dood la xidhiidha dhisme loo sameeyay wasaaradda Arrimaha Debeda dhexmaray Shirkada inta badan sida hoose loo siiyo qandaraasyada dhismaha ee Daryeel iyo Wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland oo si weyn u saluugtay dhismaha loo sameeyay, taas oo sababtay in wax laga bedelo qaabka loo dhisay Dhismaha Wasaaradda, balse  dhismahan waxa dhistay oo qandaraaskeeda  la siiyay shirkad lagu magcaabo Caalami Construction, taas oo ay Wasiirka isku shushubtaan.

Inta Badan dhismayaasha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku faanto maaha kuwo la ogyahay cimrigooda, waxaana inta badan qandaraasyada oo aan la shaacin, isla markana lagu bixiyo eex iyo qaraaba kiil sababaan ceebo soo baxa marka la dhamaystiro dhismayaashaa Wasaaraddaha oo ay ku baxaan malaayiin dolar, balse aan mid keliya la shaacin marka la dhamaystiro kharashka ku baxay iyo qaabka loo bixiyay qandaraaskiisa.

Masuulyiinta xukuumadda, ayaa arrimahaa ku qariya xaflado idhasarcaad ah oo ay sameeyaan marka la furayo dhismayaashaa oo Madaxweyne Siilaayo inta badan xadhiga ka jaro, waana sababta keenta inuu amaan ku asqaysiiyo sida munaasibadan u danbaysay ee Madaxweyne Siilaanyo xadhiga kaga jaray dhismaha Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Halkan ka dhegeyso Codadka Masuuliyiinta

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post