X
    Categories: Warar

Madaxweyne Trump Oo Ku Hanjabay Inuu Samaynayo Qaraar Kale Oo Qoxootiga La Xidhiidha Kuna Dhawaaqay Weeraro Ka Dhan Ah Islaamiyiinta Hubaysan

Araweelo News Network

US President Donald Trump shows his signature on executive orders alongside US Defense Secretary James Mattis (R) and US Vice President Mike Pence on January 27, 2016 at the Pentagon in Washington, DC. (Photo by AFP)


Washington(ANN)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo khudbaddii ugu horraysay ujeediyay Koongareeska Maraykanka tan iyo markii xilka la wareegay, ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimo dhowr ah oo ay ugu horrayso ladagaalanka, wuxuu ugu yeedhay Islaamka Xagjirka ah.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay qorshihiisa uu weli ku adkaysanayo ee ku waajahan dadka Qoxootiga ah, isagoo sheegay inuu sidii uu sharci cusub oo ku saabsan dadka soo galootiga ah usoo saari lahaa, kaas oo uu sheegay in loo baahan yahay inay iska kaashadaan labada Xisbiga ee Jamhuuriga iyo Dumuqraadiga.
Mar uu ka hadlayay siyaasadiisa la xidhiidha soo galootiga ee balanqaadkii uu hore u sheegay inuu gidaar ka dhisayo dhanka Maraykanku xadka kala wadaago dalka Mexico oo sida uu ku sheegay khudbadiisa ka dhisayo derbi ka samaysan dhagax iyo silig xadka Koonfureed ee Mareykanku la wadaago wadanka Mexico si loo koontaroolo mukhaadaraadka iyo dadka soo galootiga ah.

“Waxaan fulin doonaa dhammaan balanqaadkaygii xilligii doorashada waana difaacaynaa xuduudeenaa iyo ehellada Mareykanka, waana waajib I saaran” ayuu yidhi Trump.

Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump, wuxuu ku dheeraaday dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah, isagoo yidhi, ‘Argagaxisada waan burburin doonaa Argagaxisada islaamiga ah ma ogolaanayno in ay dalkeena ka dhigtaan gabaad aamin ah”

Trump, wuxuu Golaha Koongareeska Mareykanka ka codsaday in ay wax ka bedelaan nidaamka Caafimaadka Mareykanka ee loo yaqaan ‘Obama Care’.

Donald Trump oo 40 maalmood haaya xukunka Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono dib udhiska Mareykanka isagoo yidhi, “6 Tiriliyoon ayaynu tobbankii sanadood ee lasoo dhaafay ku dhisnay Bariga dhexe inagana wadankeenii ayaa sii burburaya oo dib udhis ubaahan waa in aynu dalkeena dhisanaa oo aynaan dalal kale dhisan”.

Madaxweyne Trump mar uu ka hadlayay arrimaha difaaca wuxuu sheegay in dowladdiisu ay sare u qaadi doonto miisaaniyadda dhanka melleteriga, taas oo noqonay inuu farqi u dhaxeeyo Obama iyo qorshihiisa.

Madaxweyne Trump, wuxuu ku hanjabay inuu muslimiinta soo galootiga ah wadanka ka saarayo, islamarkaana uu duqeymo iyo dagaallo toos ah oo uu ku qaadayo Islaamiyiinta hubeysan ee caalamka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post