X
    Categories: Warar

Madaxweyneyaasha Maraykanka Iyo Ruushka Oo La Ogaaday Inay Kulan Qarsoodi Ah Ku Yeesheen Jarmalka

Araweelo News Network


Missed connections. Photographer: Mikhail Metzel/TASS via Getty Images

Washington (ANN)- Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump, ayaa la ogaaday inuu kulamo qarsoodi ah la yeeshay dhiggiisa Ruushka Mr. Vladimir Putin markii ay ka qaybgaleen shir-madaxeedkii waddamada dhaqaalaha ku horumaray (G20) ee ka dhacay magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka horraantii bishan.
Waxa labada hoggaamiye yeesheen kulamo wada-xaajood ah oo midkood Aqalka Cad hore u shaaciyey, laakiin aanu wax faahfaain ah ka bixin waxyaabaha Trump iyo Putin kaga wadahadleen kulankaas oo la qariyey goorta iyo goobta uu ka dhacay.
Madaxweyne Trump ayaa hore ugu tilmaamay warar sheegayey in ay si qarsoodi ah u wada casheeyeen kuna tilmaamay warkaa been aan jirin.”
Xidhiidhka labada madaxweyne ee dalalka ugu awoodda badan adduunka, ayaa aad isha loogu hayey muddooyinkan, iyadoo ay soo baxeen eedo ah in Ruushka iyo kooxdii ololaha doorashada ee Trump gacan-saar qarsoodi ah lahaayeen.
Sirdoonka Maraykanka ayaa rumaysan in Ruushku ka caawiyey Donald Trump doorashadii madaxtinimada Maraykanka ee sannadkii hore, balse xukuumadda Moscow iyo Trump ayaa deedafayeeyey jiritaanka arrintaas.
Kulanka labaad ayaa xogaha la helay caddeeyeen inuu ka dhacay goob casho gaar ah loogu sameeyey madaxda dalalka G20 ee ka qaybgalayey shir-madaxeedkii lagu qabtay magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka horraantii bishan July 2017.
“Madaxweyne Trump keligii buu ahaa, Putin-na waxa la joogay turjubaankiisa oo keliya, kulankaasina waxa uu qaatay muddo saacad ah.” Sidaa waxa daabacay qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka oo xiganayey il-wareedyo diblomaasiyadeed oo xogogaal u ahaa kulanka qarsoodiga ah ee labada hoggaamiye ku yeesheen magaalada Hamburg.
Saraakiisha Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa la sheegay in aanay tafaasiil ka bixin karin waxyaabaha labada madaxweyne kaga wadahadleen kulankaas, maadaama aanay ka qaybgalin kaaliyeyaasha Trump.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post