X
    Categories: Warar

Madaxweynihii Hore Ee Catalonia Mr.Carles Puigdemontoo Oo La Xidhay

Araweelo News Network

Carles Puigdemont

Berlin(ANN)-Hoggaamiyihii hore ee Catalonia, Carles Puigdemont, ayaa lagu xidhay dalka Jarmalka, sida uu qareenkiisa sheegay.

Waxaa la qabtay xilli uu ka yimi dalka Denmark, isagoo ku sii jeeday dalka Belgium, Jaume Alonso-Cuevillas, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray. Ninkan ayaa laga doonayaa Spain isagoo lagu eedeynayo taageerada goonni-u-goosashada Catalonia.

Puigdemont ayaa magan-galyo ugu noolaa Belgium tan iyo aftidii la mamnuucay ee Oktoobartii 2017, taas oo lagu taageerayay goonni-u-goosadka Catalonia.

Amar ka soo baxay Yurub oo isaga lagu soo xidhay, ayaa dhowaan la soo saaray.

Xiisadda ka taagan Catalonia, ayaa aad u kacsan, hoggaamiyeyaasheeda ayaana diiday qorshe lagu magacaabayo madaxweyne cusub kaddib markii la xidhay musharraxii ugu dambeeyay.

Jordi Turull, ayaa Jimcihii lala xidhay shan hoggaamiye kale, taas oo sababtay dibad-baxyo iyo isku dhacyo dadweynaha iyo booliiska ku dhex maray Barcelona.

Source: BBC

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post