X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Ku Adkaystay In Duqayntii Diyaaradahoodu la Beegsadeen Ciidanka Maamul-goboleedka Galmudug Lagu Dilay Saraakiil Al-shabaab Ah

Araweelo News Network

Capt. Jeff Davis

Washington(ANN) Dawladda Maraykanka, ayaa dafirtay in diyaaradahooda dagaalku duqayn khasaare badan la beegsadeen ciidammo ka tirsan maamul-goboleedka Soomaaliya ee Galmudug oo ku sugnaa duleedka magaalada Gaalkacayo habeennimadii Arbacada.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka Capt. Jeff Davis oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerareen ciidammada dawladda Soomaaliya ee ku sugan degaannada Gobolka Mudug.

Capt. Davis ayaa ku dooday inay duqayntaas ku dileen ugu yaraan 9 xubnood oo ka mid ahaa xoogagga Al-shabaab, isagoo meesha ka saaray in diyaaradahoodu beegsadeen ciidanka maamulka Galmudug, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in dawladda Maraykanku baadhitaan ku samaynayso weerarkaas iyo in lagu dilay askar ka tirsan ciidammada dawladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, war ka soo baxay kooxda Al-shabaab ayaa lagu beeniyey in dagaalyahannadoodu fadhiisimo ku leeyihiin duleedka magaalada Gaalkacyo ee Maraykanku sheegtay inay duqeeyeen.
Hadalka ka dawladda Mareykanka ayaa ku soo beegmay xilli si buuxda loo xaqiijiyey in diyaaradahoodu duqayntaas ku dileen in ka badan 22 askari oo ka tirsanaa ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Galmudug.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post