X
    Categories: Warar

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Amiirka Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga Ee Awoodda Badan

Araweelo News Network

Riyadh(ANN)-Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku sugan dalka Boqortooyada Sucuudiga, ayaa  la kulmay Boqorka dalkaa Salmaan Bin Cabdi Casiis.

Madaxweyne Farmaajo oo qado sharaf loogu sameeyay Qasriga Nabadda ee magaalada Jeddah  waxa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.

Sida ay sheegtay Madaxtooyadda Villa Somalia, waxa  markaa kadib kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, isla markaana ah Wasiirka Difaaca.

Madaxweyne Farmaajo Iyo Amiir Maxamed Binu Salmaan waxay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal, maalgashiga, iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo la dagaallanka xagjirnimada, dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida iyo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sucuudigu balanqaaday in ay ka fulineyso Soomaaliya.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen qaddiyadaha xiligan ka taagan mandaqadda iyo caalamkaba.

Masuuliyiintii kale ee uu Madaxweynahu sida gaarka ah ula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Caadil Al-Jubeyr.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa wada hadallada uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Riyaad Mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Dhanka Sucuudiga waxaa uga qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post