X
    Categories: Warar

Moqdishu: Al-shabaab Oo Weerar iyo Qarax la Beegsaday Ciidammada Somalia

Araweelo News Network

Marka (ANN)- Kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidanka dawladda taagta daran ee Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose subaxnimadii hore ee shalay.
Guddoomiyaha Shalaanbood Mr. Nuur Cismaan Raage, ayaa warbaahinta u sheegay inay ciidammada dawladdu iska caabiyeen weerar dagaalyahanno hubaysan ku qaadeen saldhiggooda degaankaas.
Mr. Raage waxa uu sheegay inay weerarkaas ku dhaawacantay haweenay shacab ah, isla markaana aannu jirin wax khasaare ah oo ciidankooda soo gaadhay, isagoo caddeeyey in xoogagga Al-shabaab ku hareeraysan yihiin degaannada Shalaambood, sidaa darteedna mar walba weerarro kala duwan ka fuliyaan.
Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa bam-gacmeed khasaare geystay ku weeraray ciidammada dawladda maamulka Muqdisho ee ku sugan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose shalay.
Inkasta oo masuuliyiinta maamulka Afgooye sheegeen in aannu jirin wax khasaare ah oo ciidanka ka soo gaadhay qaraxaas oo ay masuuliyaddiisa ku eedeeyeen kooxda Al-shabaab, haddana warar madaxbannaan ayaa xaqiijiyey inuu jiro dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda la cayimin oo ciidammada dawladdu kala kulmeen weerarkaas.
Sidoo kale, dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen dhaawacyada laba askari iyo qof shacab ah oo waxyeello ka soo gaadhay qaraxaas.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post