X
    Categories: Warar

Muqdisho: Eedeysanayaasha Qaraxii Diyaaradda DAALLO Airlines oo la Xukumay

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)Maxkamadda Ciidammada Dawladda Soomaaliya, ayaa xukunno kala duwan ku ridday shalay koox dad ah oo ku eedaysnaa inay ku lug lahaayeen qaraxa diyaarad rakaab ay leedahay shirkadda Daallo Airlines oo ka duushay madaarka magaalada Muqdisho lala beegsaday 02-dii bishii February ee sannadkan 2016.
Dadka loo haystay qaraxa diyaaraddaas oo tiradoodu ahayd 13 ruux oo ay ku jiraan xubno ka tirsanaa shaqaalaha Madaarka Muqdisho oo dhegaysiga dacwaddoodu ka socday Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidanka maalmihii la soo dhaafay, ayaa maxkamaddu 8 ka mid ah xukunno kala duwan ku ridday, halka shan kalena lagu sheegay in wax dembi ah lagu waayey.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidammada Soomaaliya Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqay xukunka eedaysanayaashaas ayaa sheegay, in Cabdiwali Maxamuud Macow iyo Cadhays Xaashi Cabdi oo maqaneyaal ah lagu xukumay mid kasta xabsi daa’in.
Sidoo kale, Macow oo ahaa Madaxii Amniga Waaxda Duulista iyo Saadasha Hawada ee Madaarka Muqdisho, ayaa maxkamaddu sheegtay inuu diyaaradda saaray kombiyuutar Lap-top ah oo loo adeegsaday qaraxii diyaaradda Daallo Airlines, halka Cadhays Xaashi Cabdi in isagana lagu helay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaana lahaa abaabulka iyo maalgelinta weerarkii diyaaraddaas oo rakaab u sidday dalka Jabuuti.
Waxay kaloo Maxkamaddu afar sannadood oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Abshir Maxamed Macallin Axmed iyo Safiya Cabdillaahi Xasan Cali, halka Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi iyagana lagu riday xukun min hal sanno oo xabsi ciidan ah.
Sidoo kale, waxay maxkamaddu min lix bilood ah ku xukuntay Bashiir Cabdillaahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.
Dhinaca kale, waxay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidammadu xorriyadooda u celisay Cumar Macallin Calasow, Cali Maxamuud Cabdiraxmaan, Cabdillaahi Cabdulqaadir Abuukar, Ismaaciil Maxamed Xirsi iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed, kuwaas oo ay sheegtay in wax dembi ah lagu waayey.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post