X
    Categories: Warar

Muqdisho: Qarax Ismaiidaamin Ah Oo Lagu Dilay Saraakiil Ciidanka Federaalka Ka Tirsan

Araweelo News Network


Muqdisho(ANN)-Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey uu weerar ku qaaday xero milatariga lagu tababaro oo ku taalla duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo askar badan ay ku dhinteen.

Qaar ka mid ah ciidamadda oo la hadlay warbaahinta , ayaa sheegay in ugu yaraan shan askari ay ku dhinteen qaraxa, oo ka dhacay xerada tababarka ciidamadda ee warshaddii hore ee Nacnaca.

Askarta dhimatay ayaa waxaa ku jira saraakiil sare oo ay ka mid tahay haweeney, isla markaana waxa sidoo kale ku dhaawacmay dhowr askari oo kale, waxaana fuliyay weerarkaa qaraxa qof ku labisnaa dareyska ciidamada milatariga Soomaaliya.

Dhinaca kale Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof.

Qaraxa, ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya Jeneral Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid uu ka badbaaday qarax baabuur oo ismiidaamin ahaa, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 15 qof.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post