X
    Categories: Warar

Muqdisho: Qaraxyo Gilgilay Madaxtooyadda Villa Somalia Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Muqdisho(ANN)-Laba Qarax oo waaweyn, ayaa ka dhacay Madaxtooyadda Villa Somali, kuwaas oo sababay Khasaare Siyaasiyiin ka tirsan dawladda Federaalka ah ee Somalia, Suxufiyiin ka tirsan Telefishnka Universal Iyo Askarta Ilaalada Madaxtooyadda.

Wararka, ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmneen, iyadoo labada Qarax midkood oo loo adaagsadey Gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo ku qarxay kantarool Afaafka hore ee Madaxtooyadda Villa Somalia oo qiyaastii 400 Miter u jirta Villa Somalia.

Sidoo kale Qarax kale oo Khasaare dhaliyay, ayaa ka dhacay wadada laamiga ah ee hareer marta xarunta madaxtooyada Villa Somalia gaar ahaan halka loo yaqaan shirkaddii Laydhka Eenaayo, balse waxaan weli si rasmi ah loo ogayn khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen qaraxyadu.

Gaadiidka gurmadka degdega ah, ayaa ku mashquulsan dhaawaca Iyo dhimashada ay qaraxyadu geysteen, waxaana sheegtay qaraxyadaa Xarakada Al-shabaab.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post