X
    Categories: Warar

Murrashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga KULMIYE Oo La Kulmay Wefdi Ka Socda Dalka Jarmalka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dowladda Jarmalka oo uu hoggaaminayo safiirka dalkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Markus Bollmohr, isla markaana uu qayb ka yahay u qaabilsanaha xafiiska siyaasadda iyo ammaanka caalamka Mr. Peter Finger.
Murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay kulanka ku wehelinayeen Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir iyo Maayarka Caasimada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxay weftiga Jarmalka ka wadahadaleen qiimaha ay Somaliland iyo caalamka ugu fadhido doorashadii Madaxtooyada ee ka qabsoomay dalka Somaliland toddobaadkii hore.
Safiirka dowladda Jarmalka Amb. Markus Bollmohr, ayaa isna tilmaamay sida ay beesha caalamku ula dhacsan tahay doorashadii ka dhacday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu sheegay inay habboon tahay inay xisbiyada Somaliland ku wadaqancaan natiijada doorashada, haddii ay cabashooyin jiraana ay xisbiyadu u maraan nidaamka sharciga ah.
Waxa kaloo Amb. Markus Bollmohr hoosta ka xariiqay in dowladdiisa Jarmalku diyaar u tahay inay Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka iyo arrimaha la halmaala.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu weftiga uga mahadceliyay wadashaqaynta dawladda Jarmalku la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post