X
    Categories: Warar

Murrashaxa WADDANI oo Fariimo Kala Duwan u Diray Ciidanka Booliska iyo Shacbiga Somaliland

Araweelo News Network

Berbera(ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa farriimo kala duwan u diray ciidanka Booliska iyo dadweynaha muwaadiniinta ah ee isku diwaangeliyey doorashooyinka.
Guddoomiye Cirro oo kormeer ku maray goobo ay ka socotay qaybinta kaadhadhka codbixinta ee ka bilaaban tahay Gobolka Saaxil, waxa uu shacabka ku guubaabiyey inay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta si ay uga taliyaan masiirkooda siyaasaddeed ee mustaqbalka, isaga oo carrabka ku dhuftay in kaadhka codbixintu wax badan uga tari doono noloshooda mustaqbalka.
“Farxad-weyn bay ii tahay in aanu maanta soo kormeernay sida ay u socoto kaadh qaadashada diiwaan-gelinta gobolka Saaxil, waxaanan ku faraxsanahay in ay si habsami ah u socoto oo ay hawl-wadeenada shaqaalaha Komishankuna si fiican u wadaan, waxaana aan ka codsanayaa in ciidammadu ay nabadgelyada ilaaliyaan, shacabkuna ay gacan siiyaan shaqaalaha Komishanka Doorashooyinka, iyadoo aan sida oo kalena shacabka ku guubaabinayo qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta oo aanay ka habsaamin gebi ahaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI oo ay kormeerkiisa ku wehelinayeen xaaskiisa marwo Farduus Maxamed Rooble, guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiqaadir Jirde, Xoghayaha Guud ee Xisbigaas Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI, waxa ay socod ku mareen goobo kala duwan oo ay ku bilaaban tahay qaybinta kaadhadhka codbixintu gudaha magaalada Berbera, iyagoo dadka ka codsaday inay si nidaamka waafaqsan u qaataan kaadhkooda si ay uga qaybgalaan doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka ee la filayo inay ka qabsoomaan Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post