X
    Categories: Warar

Murrashaxa WADDANI Oo Ka Hadlay Saraakiisha Xisbigiisa Ee Qaadacay Wada Shaqaynta Komishanka Iyo Mawqifkiisa

Araweelo News Network

Photo file Murrashaxa Madaxweynaha, isla markaana ah Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro

Hargeysa(ANN)-Murrashaxa Xisbiga Muxaaradka ah ee WADDANi. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ka hadlay saraakiil ka tirsan Xisbigiisa oo sheegay Inay joojiyeen wada shaqayntii Komishanka.

Murrashaxa WADDANI, Cabdiraxmaan Ciro, waxa kale uu Ka hadlay rabshado aan sidaa u weynayn oo galabta Ka dhacay Burco, wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa Inay is dejiyaan oo ay sugaan natiijada.

Cabdiraxmaan Ciro oo caawa fiidkii kula hadlay Warbaahinta Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay Komishanka uga fadhiyaan in ay soo celiyaan kalsoonidii wada shaqaynta, Isla markaana ay dhegeystaan cabashadooda, isagoo xusay in cabashadooda ay Komishanka u gudbiyeen ay la xidhiidho sanaaduuq gobolka Maroodi-jeex ah.

Halkan Ka Daawo Guddoomiye Ciro oo arrimahaa ka hadlaya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post