X
    Categories: Warar

Murrashaxa Xisbiga WADDANI Iyo Wefdigiisa Oo La Kulmay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia

Araweelo News Network

Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn

Addis-Ababa(ANN)- Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefdi uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay shalay  magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa la kulmay Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga WADDANI oo lagaga hadlay kulankaa, ayaa u qornaa sidan:-

 

“Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn Iyo Wasiirka Arimaha Dibada dalkaasi Dr Workneh Gebeyehu.

Weftiga Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Murashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa si Baratakool sare ah lagu soo dhaweeyey weftiga.

Waxaanu ugu horayn Weftiga Murashax Cabdiraxmaan Ciro uu kulan la yeesheen Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Dr Workneh Gebeyehu, kulankaasi oo labada dhinac ay kaga wada-hadleen xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka caalamiga ah ee diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal loona sii xoojin lahaa.

Sidoo kale Weftiga Murashax xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa kulan ay ku wehelinayeen Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Xoghayaha Murashaxa Baashe, waxay Xafiiskiisa kulan kula qaateen Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Waxaana kulankaasi oo saacado qaatay qodobadii ay kaga wadahadleen labada dhinac ugu muhiimsanaa;-

  • Sii xoojinta iyo kor u qaadka xidhiidhka labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobiya.
  • Sii xoojinta iyo fududuaynta isku socodka Ganacsiga labada dal.
  • Sidii labada dal ay u sii adkayn lahaayeen amaanka iyo nabadgalyada.

 

ALLAA MAHAD LEH.

Kaaliyaha Warbaahinta Ee Murashaxa Xisbiga Waddani,

Muniir Axmed Cigaal

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post