X
    Categories: Warar

Murrashaxii WADDANI Cabdiraxmaan Ciro Oo Aqbalay Natiijada Doorashadda Kadib Shir Madaxda Xisbigu Yeesheen Oo Saacado Socday

Araweelo News Network

Photo file Murrashaxii Madaxweynaha, isla markaana ah Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro

Hargeysa(ANN)-Murrashaxiinta iyo masuuliyiinta Xisbiga Mucaraadka ee WADDANI, ayaa ka hadlay natiijada doorashada madaxtooyadda ee lagu dhawaaqay galabta, taas oo loogu dhawaaqay murrashaxiinta xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici.

Shir murrashaxiinta xisbiga iyo saraakiisha xisbiga uga socday saacdihii lasoo dhaafay magaalada Hargeysa oo ay ka qaybgaleen Murrashaxii Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo saraakiisha kale, ayaa kusoo dhammaaday in la aqbalo natiijada doorashada madaxtooyadda ee Komishanka qaranku ku dhawaaqeen.

oo masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ay kaga arinsanayeen natiijada ay saluugeen ee ka soo baxday guddida doorashooyinka somaliland ayey ugu dambayn sheegeen inay qaataan.

Murrashax Cabdiraxmaan Cirro oo markii shirku dhamaaday la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in isaga oo eegaya danta shacabka Somaliland uu qaatay natiijada doorashada, isla markaana liqayo saluugii ay ka qabeen natiijada doorashadda.

 

“Aniga oo u tudhaya shacabka, nabad galyada qaranka oo aanan ogolayn in la daadiyo dhiiga shacabkayga waxaan qaatay natiijada doorashada.”ayuu yidhi murashax Cirro.

“Maanta waxa aan idiin sheegayaa in aan qaatay go’aan aad u qadhaadh, waxa aan idiin sheegayaa in aanan u tanaasulin Muuse Biixi, Umaan tanaasulin Kulmiye ee waxa aan u tanaasulay danta dadkayga iyo dalkayga” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Halkan ka Daawo hadalka Guddoomiyaha WADDANI ee Natiijada Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post