X
    Categories: Warar

Nin Dilay 14 Qof Oo Qoyskiisa Ah Kadibna Is Dilay

Araweelo News Network

Mumbia(ANN)Nin u dhashay dalka India ayaa dilay 14 qof oo ay isku qoys yihiin xilli ay jiifeen gurigooda, kuwaas oo 7 ka mid ah dadkaas ay ahaayeen Carruur.
Dembi baadhayaasha ayaa rumeysan in dil wadareedka uu ka dhashay muran ku saabsan hantida qoyskaasi lahaayeen.
Booliska ayaa sheegay in lagu wargeliyay in guri ku yaalla meel u dhow magaalada Mumbia ay haweeney ka qeylineysay. Haweeneyda oo ay walaalo ahaayeen ninka ayaa ka badbaaday weerarkaasi.
Booliska ayaa intaa ku daray in ninka uu xidhay dhammaan albaabada guriga ka hor inta aanu dilka fulin, balse Ninka ayaa markii dambe is dilay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post