X
    Categories: Warar

Ololihii Doorashada Madaxtooyadda Oo Somaliland Ka Bilaabmay Iyo Xisbiga UCID Oo Isu Soo Baxyo Ka Sameeyay Gobolada Dalka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Ololihii Doorashada Madaxtooyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah uga bilaabmay magaalooyinka Somaliland maanta, waxaana isu soo baxyo ka sameeyay meelo badan taageerayaasha Xisbiga UCID.

Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa saddexda xisbi ee dalka ka jira mid walba maalin gaar ah u asteeyey in uu guud ahaan dalka oo dhan ka qabto ololahiisa doorashada, saddexdaas xisbi oo kala ah kuwa mucaaradka ah ee UCID iyo WADANI iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE.

waxaana maanta oo Sabti ah ka bilaabay  ololahiisa guud ahaan dalka Somaliland xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo Isugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xorriyada ee Hargaysa oo kumanaan qof oo ah taageerayaasha UCID, Isugu soo baxeen, kuwaas oo sitay boodhadh iyo sawirro waxaanay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbigaas iyo erayada hal ku dhegga u ah UCID.
Sidoo kale fagaarayaasha Khayriyadaha magaalooyinka waaweyn ayey ka socdeen isku soo baxyo uu qabtay xisbigu oo uu kula hadlayo shacabka ku dhaqan magaalooyinkaas si uu ugu soo bandhigo aragtida siyaasadeed ee xisbigu damacsanyahay in uu wadanka ku hago haddii uu doorashada ku guulaysto, isagoo isla qorshayaashaa uu shacabka u soo bandhigayana ka codsanaya in ay codkooda ku taageeraan.

Gudoomiyaha xisbiga, isla markaana ah murrashaxa madaxtinimada ee xisbigaas, Eng. Faysal Cali-Waraabe, ayaa  ololaha ka bilaabay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, halka musharaxa madaxweyne xigeenka ee isla xisbigaas, Axmed Cabdi Muuse, uu isna khudbad uga jeediyey taageerayaasha xisbiga fagaaraha Khayriyada ee magaalada Laas Caanood.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post