X

Puntland: Daad Qaaday Magaalada Qardho

Araweelo News Network.

Qardho(ANN)- Magaalada Qardho oo ka tirsan Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa roobab xooggan oo ilaa xalay galab ka da’ayay magaalada iyo nawaaxigeedu sababeen khasaare ballaadhan, kaddib markii daad kasoo rogmaday roobka kala go’doomiyay magaalada.

Maamulka Puntland ee xaruntiisu tahay Garoowe, ayaa ku mashquulsan sidii loogu gurman lahaa dadka waxyeeladu kasoo gaadhay daadka kala go’doomiyay magaaladda.

Dadka ku nool xaafaddaha qaar ayaa awooddi waayay in ay u gurmadaan meelaha daadku qaaday, wallow aan la sheegin khasaare nafadeed, marka laga yimaado gaadiid iyo guryo uu qaaday daadku, kuwaas oo dadkii laga samata bixiyay.
Daadka kusoo rogmaday magaaladda, ayaa sababay in ay adeegyadii aasaasiga ahaa burburaan, iyadoo Laydhku gebi ahaanba kamaqan yahay magaaladda, taas oo sababtay in aannay dadku awooddin in ay u gurmadaan kuwa dhibaatadu kasoo gaadhay daadka.

Laba sano ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale ay daadad xooggan oo ay sababeen roobab ka da’ay deegaanka April 2020, sababeen khasaare naf iyo maalba soo gaadhsiiyeen magaalada Qardho.

Saraakiisha Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in ay wadaan gurmadka loo fidinayo dadka iyo sidii loo soo bandhigi lahaa baaxadda khasaaraha uu sababay daadku.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post