X
    Categories: Warar

Qaramada Midoobay Iyo Maamulka Muqdisho Oo Iska Kaashanya Mashruuc Waxbarasho Lacag La’aan Ah

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Guddoomiyaha gobolka Benaadir Thaabit Cabdi Maxamedm ayaa sheegay in dadka ku dhaqan 17ka Degmo ee Magaalada Muqdisho ay helayaan waxbarasho ay dowladdu damaanad qaaddo oo gaadhsiisan heerka dugsiga hoose iyo dugsiga sare.

Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa daah furay dib u dayactirka iyo qalabeynta dugsiyada magaalada Muqdisho iyo sidoo kale kor-u-qaadista adeegyada waxbarashada ee caasimada Muqdisho.

Mashruucan waxa iska kaashanaya Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo maamulka gobolka Benaadir

“Ujeedkeennu waa in ugu yaraan hal iskuul oo dowladeed laga helaa degmo kasta si carruurteennu u helaan waxbarasho lacag la’aan ah oo tayo leh. Waa arrin naga go’an inaan u istaagno carruurteena, waana maalgashi xooggan oo muujinaya isla xisaabtan” ayuu yidhi, Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed.

Wuxuu sheegay in  mashruuca oo ah mid  la doonayo in dayactir lagu samaynayo shan dugsi hoose iyo xarun tababar xirfadeed oo ay ka faa’ideysanayaan ilaa 10 kun oo carruur ah si loogu horumariyo   nolosha qaxootiga dalka ku soo laabanaya, Barakacayaasha iyo dadka noloshoodu hooseeyso oo fursado loogu abuuro.

Mashruuca waxa uu maalgelin ku sameynayaa xirfadleyda gudaha oo ay ku jiraan Injineerada shaqaalaha dhismaha si fursado shaqo loogu abuuro. Mashruuca waxa uu ka qeyb qaadanayaa dib udhiska caasimadda iyo hagaajinta muuqaalka magaalada Muqdisho.

Ka sokoow faa’idooyinka uu mashruucu u leeyahay shaqaalaha xirfadleyda ah waxaa horay loo shaqaaleeysiiyay 1000 (kun) dhallinyaro ah oo kamid ah qaxootiga dalka dib ugu soo laabtay oo ku kala nool 17-ka degmo ee gobolka Benaadir, ayuu yidhi. guddoomiyaha Banaadir.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post