X
    Categories: Warar

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdusho Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay

Qaraxa Muqdisho

Muqdisho(ANN)-Qarax lala beegsaday wadada ugu mashquulka baddan Magaalada Muqdisho ee Makal-mukarama! waxaana ku dhintay qaraxa ugu yaraan 12 qof, halka dadka dhaawacu kasoo gaadhay tiradooda lagu sheegay labaataneeeyo qof.

Sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka deg-dega ah oo goobta qaraxu ka dhacay gurmad ka galay.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay oo lala beegsaday goobtaa oo ah meel dadku aad ugu baddan yihiin, Isla markaana ay marto mid ka mid ah Wadooyinka ugu Samada baddan ee Muqdisho, Isla markaana isku xidha isgoyska Dabka iyo Hotel Wehliye

Goobta qaraxu ka dhacay, waxa xiligaa ku sugnaa dad badan oo ka qadeynayay huteel cunto oo ku yaal halkaa.

Qaraxa, ayaa kusoo beegmay, iyadoo qaraxyada Magaalada Muqdisho muddooyinkan sii bateen, wuxuuna sidoo kale kusoo beegmay wax ka yar 24 saacadood kadib markii Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya ka hadlay xaalada Amaanka ee sii xumaanay oo uu balanqaaday Inay wax ka qabanayaan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post