X
    Categories: Warar

Qarax Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Araweelo News Network

Mogadishu (ANN) Ugu yaraan 20 qof ayaa dhimatay, tobaneeyo kalena waa ay dhaawacmeen kaddib markii uu qarax ka dhacay suuq ku yaala magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay suuqa beerta ee degmada Waaberi.

Saraakiisha gurmadka deg degga ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dhimashadu ay kor u dhaafeyso ilaa labaatan.

Qaraxan ayaa ku soo beegmayo iyada oo qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ay indhawaaleba ka socotay doorashada xubnaha baarlamanka.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post