X
    Categories: Warar

Qarax Lala Beegsaday Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia

Araweelo News Network

Qaraxa Muqdisho


Muqdisho(ANN)-Jugta qarax weyn ayaa laga maqlay agagaarka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya xilli Munasibad Xil wareejin ah ay ka socotay halkaa.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo ahaa mid naf-hurnimo ah.

Sida ay baahisay idaacadda Andalus gaadhi walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxanayayay dagaalyahan istish-haadi ah ayaa lala helay kolonyo gaadiid ah.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka uu si dirqi ah uga badbaaday Jeneraal Cirfiid oo ah taliyaha ciidamada Dowladda Federaalka kaasi oo khamiistii lasoo dhaafay uu magacaabay Farmaajo.

Xilligii uu weerarku dhacayay ayay gudaha Wasaaradda G/dhigga ka socotay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen mas’uliyiinta wasaaradda Gaashaandhigga.

Tobaneeyo askari oo ilaala ka ahaa kolonyada gaadiidka ah ee labeegsaday ayaa la rumeysanyahay in ay dhimsho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka ka dhacay Muqdisho.

Qaraxan ayaa yimi laba maalmood kadib markii Max’med Cabdullaahi Farmaajo Hoggaamiyaha DF-ka uu ku dhawaaqay dagaal hor leh oo ka dhan ah Al Shabaab waxaana muuqata iy DF-ka looga hormaray dagaalka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post