X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Somalia Oo Kusii Jeeda Dalka Imaaraadka Iyo Ujeedada Safarkiisa

Araweelo News  Network

Ra’iisal Wasaaraha Somalia Xasan Khayre

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Somalia, Xasan Cali Kheyre, ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda safar ugu baxo magaalada Abu Dhabi ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

Ma Jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo ku saabsan safarkiisa. Balse sida ay sheegayaan Ila wareedyo shebekada Araweelo News Network heshay, Safarka Kheyre ayaa ka danbeeyay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda Imaaraadka Carabta kaddib markii bishii hore ay magaalada Davos isku arkeen wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta.

Waxa jiray warar hore usoo baxay oo sheegayay in Kheyre safar ugu baxayo Imaaraadka Carabta, balse labo jeer oo hore ayuu dib u dhacay, iyadoo lagu macneeyay sababo farsamo iyo culeysyo kale oo kaga yimi sida la sheegay xafiiska madaxtooyada Villa Somalia.

Imaaraadka Carabta ayaa kaalin muuqata ku leh arrimaha siyaasadda Somalia, sanadihii danbeeyay, iyadoo awood muuqata ay ku dhex yeesheen maamulada gobolada kadib go aanadii maamulada ka qaateen mowqifkii khilaafka ee mandaqada Khaliijka.

Balse xukuumadda Federaalka, ayaa Khilaafka Dalalka Khaliijka meel dhexe iska taagtay, taas oo xulufada Sucuudiga Iyo imaaraadku aanay jeclaysan, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo oo booqasho arrimahaa la xidhiidha hore ugu tegey Dalka Sucuudiga ku adkaystay in aanay waxba ka bedelayn mawqifkooda ku waajahan Khilaafka u dhexeeya Dalalka Khaliijka ee usoo tallaabay Bariga Afrika, Isla markaana sida weyn looga dareemayo Siyaasada Somalia.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post